Daawo Sawiro Casho sharaf Loosameeyay Eng.Nadiifa M. Osman iyo Siyaasiga weyn ee Yaasiin Maaxi

 

Waxaa caawa kulan casho sharaf ah loogu sameeyay wadanka Netherlanad gaar ahaan magaalada Rotterdam Eng. Nadiifa M. Osman oo ah Xildhibaanad ka tirsan Dowladda Soomaliya horayne u soo qabatay xil wasiirnimo iyo Siyaasiga caanka ah ee Yaasiin Maaxi oo ah siyaasi u taagan xilka madaxweyne nimo ee 2016-ka.

Kulankaan casho sharafta ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Siyaasiyiin madaxda ururoda  wadanka Holland iyo waliba qaar ka mid ah ganacsatada Soomaliyeed ee wadankaan ku leh xarumo ganacsi oo kal duwan, Sidoo kale waxaa goobta heeso dadka aad u soo jiitay ku soo bandhigay Fanaankii weynaa ee ka tirsanaa kooxdii waabari Cabdi Baadil Ibraahim.

Ugu horeyn waxaa furay hadalka Ali ayxye oo ka mid ahaa dadkii soo qaban qaabiyay casho sharaftaan waxaana lagu furay aayadaha quraanka kariim waxaana aqriayay Abuukar Ali Nuur oo loo yaqaano (adeerka qarniga)

Waxaana hadalka  furay Yaasiin Maaxi oo marka hore ka mahad celiyay casho sharafta iyo waliba kulankaan qiimaha badan oo ay iskugu yimaaden dad wax tar u leh Bulshada Soomaliyeed hadalkiisiina waxuuu ku bilaabay sida tan

„Waxaan marka hore u mahad celinayaa dadka soo abuubulay kulankaan qiimaha badan rag iyo dumarba marka xigta waxaan aad ugu faraxsanahay inaan caawa wada kulano hadal wanaagsanne aan is dhaafsanno walaalyaan marka hore waxaan idin leeyahay aan u wada istaagno badbaadinta wadankeena hooyo oo ah wadan naga wada dhaxeeyo waxaan ahay siyaasi Soomaaliyeed rabane inuu wadanka xil ka qabto waxaan ku qaban karaa inaan gacmaha is qabsanno oo aan anaga is aamino isna taakuleyno oo aanan sugin cid wax noo maamusho oo biri ayad na mamusho, Marka waxaan idin  leeyahay cid kasto oo wdanka wax u qaban karto ku taageera xoolahiina iyo xoogiin

dhanka kale waxaa lagu soo dhaweeyay Eng. Nadiifa M. Osman oo ah Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mahad celisay Xafladaan casho sharafta oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaalida Holland hadalkeediina waxeey ku bilawday sidaan

„Marka hore waan idin salaamay dhamaaantiin hadalkii aan dhihi lahaa waxaa yiri walaalkeey Yaasiin Maaxi laakiin aniga  wax yar baan idin leeyahay waxaan caawa ku faraxsanahay inaan arko jaaliyad Soomaaliyeed oo mideysan waliba ay ka muuqato Soomaalinimo waa ii farxad marka hore waxaan raba inaan wax yar idiin sharaxo aniga waxaan ku noolaa muddo Wadanka mareykanka waxaana dib ugu laabtay dalkeygii hooyo inaan wax badan la qeybsado dadlakeyga iyo dalkeyga waxaana hadda ahay xildhibaanad ka tirsan Dowladda dhexe horayne u soo noqotay Wasiir ku xigeen waxaana hadda ku noolahay Xamar wadankii waa soo hagaagyaa waa inaan u wada si taagnaa oo aan wax badan ka qabanaa waxaan aamin sanahay in hadii an gacmaha is qabsanno aan wax badan wada sixi karno waa inaan wadnkeena aaminaa ku noolaanaa kana qeyb qaadanaa dib u dhiska  dadka qurabaha ku nool waa dadka maanta maal gashanaayo wadanka marka waxaan idin leeyahay ku soo laabta wadanka kana qeyb qaata soo celinta Soomaaliyadii la yaqaanay waana mahadsantihiin.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay oo ayaagane hadallo kooban ka soo jeediyay meesha Ali kawaan oo ka mid ah odayaasha Jaaliyada soomalida Holland iyo waliba Ruqiyo Addow oo ah Gudoomiyaha Ururka Asiya ee fadhigiisu yahay Wadankaan waxaa kaloo goobta ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Sosco Aqoonayahan Abdirahmaan Food oo hadalo kooban ka soo jeediyay dhanka kale asiga waxaa hadal ka jeediyay Guure oo ah gudoomiyaha Galmudug Foundation

 Ugu danbeyn waxaa casho Shararta Soo Xiray Xuseen Qadhiib oo ka mid ah dadkii soo qaban qaabiyay xafladaan, waxaan heeso macaan ku soo xiray Al Fanaan Cabdi Baadil.

Muuqaalka iyo waliba heesaha dhawaan ayaan idiin soo gudbidoonaa

IMG_0304 IMG_0222 IMG_0272 IMG_0293 IMG_0286 IMG_0279 IMG_0278 IMG_0275 IMG_0273 IMG_0271 IMG_0267 IMG_0263 IMG_0262 IMG_0261 IMG_0197 IMG_0188














Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com