Daawo:Sawirada Beesha waceysle oo qaadacday shirka Maamul u sameynta gobolada dhexe

Qaar ka mid ah Waxgarad iyo siyaasiyiin ka tirsan Beesha Waceysle ayaa maanta shir gaar ah waxay ku yeesheen Magaalada Muqdisho iyagoo ka soo saaray warsaxaafadeed loo qeybiyay bahda warbaahinta.

 

Qaarkan ka mid ah Beesha Waceyle ayaa si kulul waxay uga hortamid shirka Maamul u sameynta Gobolada dhexe ee ka socda Magaalada Cadaado.

 

Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Waceysle waxay sheegeen in xaqoodii la duudsiiyay iyagoo dega ilaa sedex degmo oo ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud. 

 

Odayaaashii ka hadlay shirka waxaa ka mid ah Nabadoon C/laahi Geedi Shadoor ,Nabadoon Ciise Macalin Maxamuud,Cabdule Maxamuud Maalin waxaana warsaxaafadeed u aqriyay  Cumar Cali Shaanbe .

 

Hadaba, beesha waceeysle oo ka mid ah beelweynte mudulood ayaa,u dulqaadan waayay hanaanka cadalaad darada ah ee u ku socdo shirka cadaado ee Maamul u sameynta Mudug Iyo Galgaduud.

 

 DSC01037 DSC01041DSC01045

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com