War deg deg ah Magaalada Wanlaweyn oo caawa ay la wareegeen Al shabaab iyo magaalada oo cakiran

Wararka ka imanaya degmada Daafeed ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab ay la wareegeen degmada Wanlaweyn oo magaalada Muqdisho u jirta 90km.

Wararka ugu dambeeyay ee ka imanaya magaalada Daafeed  ayaa sheegaya in guud ahaan magaalada ay maamulkeeda la wareegeen ururka Alshabaab kadib iskahorimaad kooban oo ku dhex maray ciidamada dowlada iyo ciidamada Alshabaab.

Adeega isgaarsiinta magaalada ayaa si caadi ah u shaqeynaya hase yeeshee korontadii magaalada ayaa ka maqan

waxii war ah oo soo kordho kala soco Banaadirtimes.com

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com