Xildhibaano ka soo horjeestay go’aankii lagu tuuray mooshinkii Madaxweynaha

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay go’aankii ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka ee lagu sheegay in la tuuray ama la soo afjaray mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

War shalay ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in mooshinka la soo afjaray, isla markaana uu u gudbay marxalad wada hadal ah.

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la tuuri karin mooshinka, isla markaana go’aanka Guddoonka uu yahay mid aanay u dhameyn oo ahaa mid Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha ku kooban.

“Go’aanka ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka wax macno ah uu ku fadhiyo lama arko, mana ahan mid wax ka bedelaya wixii socday, mana ahan wax sahal ah looga dulqaadi karo qof, wax ka jirana lama arko,cid u hogaansameysana ma jirto”ayuu yiri Xildhibaan Goodax oo la hadlayay Idaacada BBC-da

Xildhibaan Goodax ahaa ka mid ah xildhibaanada xooga saarayo mooshinka Xasan sheeg looga tuurayo kursiga ayaa olale xoogan uga jiro inuu hirgalo mooshinka

Waxii warar ah oo arinkaan ku soo kordha  kala soco warbaahinta Banaadirtimes.com

 

 

Sawirka Maanta

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com