DHAGEYSO: Khudbad qiimo badan uu ka jeediyay R/W Cumar ka jeediyay shirka Golaha amaanka.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo xalay Khudbad ka jeediyay Shirka loo dhan yahay ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa inta badan wuxuu khudbadiisa diirada ku saaray hormaradii ugu danbeeyay iyo waliba kheyraadka Soomaaliya dhexe yaala ee aan cidi eegeyn.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay Xeebta ugu dheer Africa, oo ay ka buuxaan Saliid iyo Gaas,isagoona carabka ku dhiftay in Soomaaliya ka soo laabatay meel Halis ah, hadana hormaro la taaban karo ay ku talaabsaneys.

“ Qiyaastii Waxaan leenahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer dunida,oo ay ka buuxaan Saliid iyo Gaas,Waxaan si xoogan u wadnaa dib u dhiska iyo hormarka dalka, si aan kheyraadka dihan dalkeena uga faa’ideysan lahayn,Fiiriya Fool xumada halka aan ka soo noqonay,Waxaana ka mahad celineynaa balaayiin Lacago canshuuraad laga soo qaaday oo Soomaaliya lagu bixiyay,”ayuu Yiri Cumar C/rashiid.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ahayd wadanka kaliya ee madaxweynihii ugu horeeyay si dimuqraadiyad lagu soo doorto,isagoona cadeeyay in hormarka uu yahay mid isdaba joog ah oo mid maalin la gaarayo.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa xusay in taageerada beesha caalamka ay tahay mid wax badan ka tartay xaaladihii kala duwanaa ee dalka Soo maray,wuxuuna beesha caalamka ka dalbaday iney sii wadaan taageerada Soomaaliya.

TOP DHAGEYSO – Ra’iisal wasaaraha Khudbada uu ka jeediyay Shirka Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay. –

 

 

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com