Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo Magaalada Garbahaareey laga baadi goobayo

Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garbahaareey ayaa Tilmaamaya in Ciidamada Dowladda Itoobiya ay Saaka halkaa ka wadaan Dhaqdhaqaaqyo  Ciidan oo ay ku doonayaan in ay Gacanta ku dhigaan Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ay bilaabeen Baadi goobka Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo Degmada ku sugan.

Sidoo kale Xildhibaan Magan ayaa Xusay in Dad Shacab ah oo ku sugan Degmada ay dhankooda bilaabeen Banaanbaxyo ay ku diidan yihiin in Ciidanka Itoobiya ay Xabsiga dhigaan Maxamed Cabdi Kaliil.

Khilaaf ba’an ayaa waayadii dambe ka taagnaa Gobolka Gedo kaas oo la xiriira Cidda maamuleysa Gobolkaasi Gedo, oo Maamulka Jubba ay maamul cusub u magacaabeen islamarkaana maamulkii hore ay ka biyaddiidan yihiin.

Dadka Magaalada Garbahaarreey ayaa saaka banaanbaxaya iyaga oo ka soo horjeeda Baadi goobka Ciidanka Itoobiya ay ku hayaan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil,waxaan ay sidoo kale ka soo horjeedaan Maamulka Jubba ee uu Hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horay Xillka uga qaaday Guddoomiye kaliil,waxaana uu ku badalay Mas’uul kale.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com