Sh Shariif: Murashaxa munaasabka u ah xiligan adag 2017-2021 Mura shax Mudane Sh shariif Sheekh Axmad waxqabadkiisa oo kooban

Sh Shariif: Murashaxa munaasabka u ah xiligan adag 2017-2021 Mura shax Mudane Sh shariif Sheekh Axmad waxqabadkiisa oo kooban

 

waxaa la aaminsan yahay inuu yahay murashax leh tilmaamo hogaamineed oo u suuragalin kara inuu noqdo hogaamiyaha ay suuratagal tahay inuu ka badbaadiyo wadankeena dhibaatoyinki usoo maray iyadoo lagu xasuusto waxqabadyadiisa

waxaa lagu xasuustaa inuu wadanka kasoo badbaadiyay dhibaatooyin la mid ah amaanka dalka adag kuwa hada taagan ayadoo weliba ay hada usii dheertay aragtiyo fog iyo cilmi dheeraad ah oo uu ku hogaamin karo wadanka , waxaana lagu yaqaanay sidiisaba Sheekhu inuu danta guud ilaaliyo kana hortago ku tagri falka awooda siyaasadeed ee dadka qaar ku kacaan sidaa darteed xiligaan oo hantidii qaranka tii dadweynaha iyo danihii guud ee wadanka lagu tuntay waxa uu noqon karaa inshaa allaah mid soo celiya rajadii umada. Waxaa kaloo Sh Shariif caan ku yahay daacadnimo iyo wadan jaceyl taasoo ku kalifaysa inuusan wax dhib ah u arag daalka iyo culeyska masuuliyada weyn leedahay sidaa darteed ayuuna go’aansaday inuu isu soo taago qabashada xilka ugu sareeya wadanka maadaama uu yahay ruux horay loogu soo tijaabiyay hogaaminta umada xiliyo fara badan sida. 1- Hogaaminta kacdoonkii Maxaakiimta kaasoo soo afjaray dhibaatooyin gun gaar ah oo soo taagnaa ku dhawaad 20 sano gaar ahaan dhibaatooyinkii ka taagnaa caasimada soomaaliya oo gacanta ugu jirtay qabqablayaal leh maleeshiyaad qabiil kuwaasoo mar walba hurin jiray dagaalo sokeeye. 2- Waxa uu soo hogaamiyay kacdoonadii dhacay xiliyadii wadanku ay soo fara galiyeen shisheeyahana asaga oo Sheekha horkacayo Ururkii Dib u xureynta ee fadhigiisu ahaa Asmara kaasoo la galay ciidamadii shisheeye dagaal dalka dib loogu xoreynayo islamarkaana waxa uu ku bar bar waday dagaal siyaasadeed kuwaasoo ugu dambeyntii ku qasbay cidamadii soo duulay inay dalka dib uga baxaan. 3- Sh Shariif waxaa uu hogaaminay dhaqdhaqaaqyadii dib u heshiisiinta ee dhex maray Dowladii Embigaati iyo Isbahetysigii dib u xoreynta taasoo isusoo dhaweysay kala aragti fogaantii u dhexeysay Soomaalida isla markaana sababtay in la dhiso Dolwad loo dhanyahay isla markaana waxa uu noqday Madaxweynihii wadankeena Soomaaliya mudo afar sano ah. 4- Mudane Murashax Sh Shariif waxa uu ku guuleystay inuu dalka gudihiisa ka dahacdo doorasho 40 sanao ka dib taasoo soo nooleysay rajadii dowladnimo. 5- Sheekha waxa uu ku guuleystay inuu ka saaro kumeel gaarkii ragaadiyay wadankeena mudo ku dhaw 20 sano ayadoo dadku ay han hayeen in horumarku sii socon doono hadiiba dowlad rasmi ah dhalato walow taasi lagu hungoobay maadaama hogaankii munaasabka u ahaa meesha laga saaray sababtayna in dalku galo dib u dhac iyo raja la’aan. 6- Sh Shariif waa hogaamiyaha kaliya ee ku guuleysay inuu si siman oo dhaw ula wada dhaqmo xizbiyadii wadanka ka jiray ha ahaadeen Jamaaceedka Suufiyada ama Xarakaadka Saxwada ama Qabiilada iyo Siyaasiyiintii soomaaliyeed , taasoo Sheekha fursad u siisay inuu bulshada dhexdeeda ka kasbado sumcad iyo kalsooni baaxad weyn. 7- Sheekha waxa uu si gaar ah ugu guuleystay inuu ksasbado shacabka waxa uuna kasoo gudbiyay xiliyo adag ilaa laga gaaro xiligii uu xilka wareejinayay ayadoo dadku barwaaqeysan yihiin noloshuna qabawdahay walow afar sano ka dib xaalad khatar ah wadanka dib loogu celiyay taasoo kaliftay in shacabkii dib u hiloow u qaadeen maamulkii uu hogaaminayay Mudane Sh Shariif shacabkana ka dhigtay kuwo u dhaga nagul siyaasada Wadanka ayagoo rajeynaya in isbadel dhaco si abaartan iyo sicir bararka maamul xumida sababtay looga gudbo. 8- Murashax Sh Shariif waxa uu ku guuleystay dib inuu dib u dhis ku sameeyo isla markaana si joogta ah u dhiirigalyo Cadamadii Qalabka siday ee burbursanaa ku dhawaad 20ka sano asagoo xooga saaray inuu u sameeyo hogaano daacad ah si ay usoo laabatii heybadii Ciidanka walow afar sano ka dib burbureen wixii uu kusoo tiir iyo tacab beelay Sh ariifka maadaama ayasan heleyn mushaar , dhiirigalin iyo xanaaneyntii loo baahnaa. 9- Waxa uu ku guuleystay Murashax Sh Shariif xiligii u madaxweynaha ahaa inuu soo afjaro dagaaladii sokeeye iyo isdilkii sababai jiray aargoosiyada qabiil ee dadka shacabka ah loo geysan jiray. Shariif ayaa jecel hadii markale ladooorto dib usoo celin doono hantida shacabka si maamul xumo lookala qaatay shariif ayaa ku nuux nuuxsaday in dalka uu bahanyahay dacaad nimo iyo cadaalad sinaan tasoo noo horseedi karta hormar baarlamaanka cusub ugu baaqay in ay lasocdan dhaqalaha dalka   waxaa sii wadi doona ayuu yiri wada hadalkii walaalaheena somaliand aan sii wadi doono hadii ladoorto sida uu yiri kuna cel celiyay in aan laqiyaanin wadanka laaluushka uusan fiican isagoo soo xigtay xadiith kasugnaatay nabigeena csw oo ah jirkaaga hal xaraan soo gasho in naarta ku wareeso

xafiiska wararka   London

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com