Maxaa kaaga baxay halku dhigga Danta Dalka & Dadka? Akhriso qormadan

Olole waxaa lagu garan karaa inuu noqdo mid wata dhiiri-gallin, fariin iyo ula-jeedo saldhig u ah hiigsiga dan guud ama dan gaar ahaaneed. Waxaa badanaa dhacda in ololaha siyaasaddu uu noqon karo mid is badala, iyadoo hadba loo eegayo xaaladdaha kala duwan ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo waliba xiriirka bulshada aad ugu talo-gashay ololaha.

Haddaba ololaha siyaasadeed ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa laga xusi karaa qodobka ugu hadal heynta badan oo ah dhisidda ciidan Soomaaliyeed. Waxa ayna si gaar ah saameyn ugu yeelaneysaa arrimaha amniga oo ay mar waliba ka taagan yihiin su’aalo badan. Waxaa sidoo kale xusid mudan halku dhigga ololaha oo ahaa “Danta Dalka & Dadka”.

Wuxuuna halku dhiggani noqon doonaa mid mar waliba lagu cabiri doono wax-qabadka dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Waana muhiim in Madaxweynuhu dhiso nidaam xiriir toos ah la leh halku-dhiga ololihiisa.

Dhanka kale in badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed waxa ay ololaha Madaxweyne Farmaajo u arkaan olole isbadal doon ah. Waxa ay taasina Madaxweynaha u keeni kartaa culeys kaga yimaada qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waa muhiim in Madaxweynuhu dhaqan galliyo balamihii uu sameeyay intii uu ku jiray ololihiisa, balse waxaa sidoo kale lagama maar-maan ah inuu si siyaasadeysan u hirgalliyo qorshihiisa siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu heystaa fursad qaali ah oo uu wax kaga badali karo arrimaha amniga iyo siyaasadda dalka Soomaaliya. Fursaddan oo ah mid aas-aas u noqon karta isfaham siyaasadeed oo dhex mara bulshada Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan.

In badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed waxa ay ku caan baxeen inay danahood gaar ahaaneed ka hor mariyaan danta guud. Waxa ay taasina keentay kalsooni darro weyn oo ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan nidaamka dowladnimo ee dalkeena hooyo.

Haddii uu Madaxweyne Farmaajo wax ka qabto 4 arrimood oo ka mid ah dhibaatooyinka hadda ka jira dalka, ayaa waxaa la saadaalinayaa in isbadal weyn uu ka dhici karo dalka Soomaaliya. Waxa ayna 4ta arrimood noqonayaan:

A – Amniga.

B – Baahida Bulshada.

C – Cadaaladda.

D – Dastuurka.

Haddii aan sii faah-faahiyo ayaa waxa ay kala yihiin:

A – Amniga:

(Sida magacaabista hoggaan tayo sare leh oo xagga ciidanka ah, meel marinta daryeelka iyo mushaarka ciidanka, isku-shaandheynta iyo tababarka ciidan leh aragti Soomaalinimo).

B – Baahida Bulshada:

(sida caafimaadka, waxbarshada, biyaha, dhismaha wadooyinka, daryeelka dadka danyarta ah, dib u heshiisiinta, is dhex-galka iyo wacyigallinta bulshada).

C – Cadaaladda:

(sida la dagaalanka musuq-maasuqa, dhisidda nidaamka Maxkamadaha iyo dar-dar gallinta hey’addaha ku shaqada leh arrimaha cadaaladda).

D – Dastuurka:

(Sida dhameystirka dastuurka, qeexida awoodaha mas’uuliyiinta iyo waaxaha dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada, dhowrista iyo dhaqan gallinta sharciyada dalka).

Waa arrimaha ugu jahwareerka badan, haddana lagama maar-maanka ah. Waana muhiim in Madaxweynuhu dhexda u xirto sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo 4ta arrimood.

Maxaa laga baran karaa doorashadii sanadkan 2017ka?

Haddii dib loo eego waxyaabaha aan ka baranay doorashadii lagu doortay Madaxweyne Farmaajo ee dhacday (Arbaco 8dii February 2017ka, kana dhacday caasimadda Muqdisho), waxaan ka baranay nidaamkii codeynta labada Aqal ee Baarlamaanka, iyo sidii ay u dhacday doorashadu oo ay kaalin weyn ka qaateen wax-garad iyo aqoonyahano Soomaaliyeed.

Balse waxaan si gaar ah u xusi karaa khudbaddii uu jeediyay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, kadib markii laga guuleystay. Waa laga yaabaa in lagu kala duwanaado siyasaddii Madaxweynihii hore balse waxaan marnaba la xaqiri karin sida geesinimada leh ee uu uga tanasulay tartanka wareega 3aad, uguna hambalyeeyay Madaxweynaha cusub.

Tartan waliba oo la galo waxaa guuleysta qof ka mid ah tar-tamayaasha, waana run in Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud laga guuleystay, laakiin wuxuu si sharaf leh u wareejiyay xilkii, isaga oo waliba khudbadiisa ku sheegay inuu garab taagan yahay, lana shaqeyn doono dowladda cusub ee Madaxweyne Farmaajo.

Waxa ayna ka mid tahay tillaaboyinka ku dayashada mudan ee lagu ammaani karo inta ugu badan Madaxweynayaashii soo maray dalka Soomaaliya. Halka dhinaca kalena ay tusaale u tahay Madaxda ka talisa wadamo badan oo ku yaala Qaaradaha Adduunka, gaar ahaan wadamo dhowr ah oo ku yaala Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa horyaala arrima badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin, balse ay xasuusin mudan tahay in xiriirka siyaasadeed ee wadamada dariska ah iyo beesha caalamku, uu yahay xiriir mar waliba u baahan qorshe danta guud ah kuna saleysan siyaasad miisaaman.

Mohamed Said Asahaaf

Wariye & Qoraa Arrimaha Siyaasadda

Twitter: @Asahaaf

Snapchat: @Asahaaf

Instagram: @Asahaaf

Facebook: Mohamed Said Asahaaf

Email: asahaaf23@hotmail.com

Sawirka Maanta

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com