Weey Dilaan Si Xubnaha Jirkooda Hanti iyo Magac Ugu Helaan. Warbixin Xasaasi Ah.

Wargesyska Daily Mail Online ee Dalka Ingiriiska kasoo baxa ayaa Faafiyey warbixin dheer oo ku saabsan ka ganacsiga xubnaha Jirka Banii’aadamka iyo dilal ka dhaca Dalka Malawai iyo Bariga AFrica, taasoo loo geesto dadka qaba xanuunka loo yaqaano Albinos .
Xanuunkaan ayaa ah mid qofka uu kudhasho waxaana dhumayo maqaarka jirka kore ee dabiiciga ah, Indhaha iyo Timaha, somaalida waxee ugu yeeraan Guduudoow.
Wargeyska ayaa sheegay in arinta dilka iyo ganacsiga isku jirta ee kadambeeyaan qolooyin Saaxiriin ah iyo kuwa sheegta in ee yihiin dadka wax ku daaweeyo qaabka Ruuxaanta. hadaba waxee sameenayaan in ee soo kireestaan Rag u shaqeeya kadib garaaca dadka xanuunkaasi qaba xiliyada ee marayaan wadooyinka meelaha baadiyaha ah ilaa ee dhulka dhigaan ama nafta ka gooyaan , kadibna waxe kala baxayaan xubnaha jirka, tasoo looga gol leeyahay in laga sameeyo Daawooyin qiimahoodu sareeyo. badanaa howshani ayaa dhacdo xiliyada ee soo dhawyihiin doorashooyinka .
Dadka falkani sameenaya ayaa aaminsan in xubnaha Albinoska ee leeyihiin muhimad gaar ah sida in dadka lagu daaweeyo iyo in lagu helo Hanti, Magac iyo Maamuus.
Dr Oskar Diyooka oo u kuur galaya xaaladan ayaa booqasho ku tagay Malawi iyo Tanzania
wuxuuna soo arkay qaabka ee u noolyihiin caruurta qaba xanuunkan, waxaa lagu hayaa xerooyin qarsoodi ah loomana ogola in ee baxaan .
arintan ayaa ah mid layaab leh marka loo eego sida howsha ku socoto.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com