Mahershala ali Jilaagii Ugu Horeeye Muslim Ah oo Ku guuleestay Oscar

Mahershala ali ayaa galabnimadii axada ku guuleestay abaalmarinta Oskar, kadib markii loo aqoonsaday in uu yahay jilaaga (actor) ugu wanaagsanaa, asigooo ku helay abaalmarinta qeybta uu kaqaatay Filmka daraamaha ah ee Moonlight wuxuu matalaye qof ka ganacsada daroogada , asigoo sidaasi ku noqday qofkii ugu horeeye oo muslim ah ku guuleesta abaalmarintan .
43 jirkan u dhashay dalka Mareekanka waa markii ugu horeesay isku sharaxo abaalmarinta Oscar . waxaa tartanka kula jiray Jeff Bridges filimka (Hell or High Water) iyo jilaga kale Dev Patel filimka (Line) sidoo kale Michael Shannon filimka (Nocturnal Animals) iyo Lucas Hedges filimka (Manchester by the Sea) .
Mahershala ali ayaa yiri xili uu gudoomaye abaal marinta : waxaan doonayaa in aan u mahadceliyo Macalinkeyga asigoo ii sheegay in arinta aniga igu saabsaneyn balse kaliya ee tahay jilid iyo gudbinta sheekooyinka .
Sanadi 1999 ayuu diinta islaamka qaatay. waxaa jira muslimiin kale oo horey ugu guuleestay Oscar balse qofna wali jilaa ama actornimo kuma qaadan.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com