Boqor Salmaan Ayaa Booqasho Ay Ku wehliyaan In kabadan 1000 Qof Iyo 460 Tan Oo Xamuul Ah ku Tagay Dalka Indonesia.

Socdaal soo Jiitay indhaha Caalamka ayaa uu Boqorka Dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis ku tagay dalka Indonesia oo ah dalka ay ku noolyihiin muslimiinta ugu badan aduunka.

Kudhawaad muddo 50 sano kadib waa booqashadii ugu hoerysay oo uu boqoqr sucudiyaan ah uu ku tago dalkaas waa mid kamid ah waxyaabaha nuxurka goonida ah u yeelay safarkaan islamarkaana ka dhigay midka loogu hadal haynta badan yahay dunida maant, booqashadda ayaa lagu wadaa in ay qaadato muddo 9 maalmood ah…ayagoona ka wada hadli doona xiriirka labada dal oo qaybo badan leh waxaana xooga wadahadalka lagu saari doona dhaqaalaha labda dal, iyadoona ay boqoqrtooyadu ugu soo saliid saarka badan dunida ay baryahan ku howlaneed sidii ay maalagshiyo uga suubsan lahayd dalal badan gaar ahaane kuwa ku yaala bariga fog ama bariga Aasiya, waxaa uuna boqoqrku todobaadkii hore booqday Dalka Maleysia sidoo kalana waxaa lagu wadaa inuu booqdo wadamada Japan iyo China.

 

Socdaalkan oo ay boqoqrka ku wehliyaan in kabadan 1000 qofood oo isugu jira amiiro iyo wasiiro ayaa waxaa duulaay-dageenka (Garoonka Diyaaradaha ) caasimadda dalkaasi ee Jakarta kusoo dhaweeyay madaxwaynaha dalkaasi Joko Widodo.

 

Waxaa sidoo kale boqora safarkiisa ku jiraa xamuul culayskisa lagu qiyaasay 460 tan oo ay ku jiraan baabuurta bqoqrka lagu qaado ee Mercedes Benz iyadoona daabulka alaabtaas loo xilsaaray shirkad gaar ah oo Dalkaasi Indonesia laga leeyahay loona soo gaabiyo PT JAS waxaana agabkaas loo daabulay magaaladda dalxiiska kucaan baxday ee Bali kuna taal galbeedka dalkaasi ow uu boqorku ku damaashaadi dono kadib booqashadiisa Jakaarta.

 

Masuul katirsan xukuumadda dalka Indonesia ayaa yiri “ safarkan waxaa uu inoo yahay mid taariiqi ah”

Safar sidaan oo kale cajiib u ah oo ay wehliyeen 1500 qof ayuu sanadkii 2015 boqorku ku tagay dalka Maraykanka ayagoona kiraystay dhamaan hotel ka koobnaa 222 qol sidoo kalana isla sanadkaas ayaa waxaa loo xeray xeeb ku taal dalka Faransiiska si ay ugu damaashaadan kaliya Boqorka iyo inta la socota, sababo amni awadood.

Sawirka Maanta

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com