Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta Oo Isla Qiray Midnimadda Iyo Madax-banaanida Soomaaliya.

Qoraal Uu Boogiisa gaarka ah ee (blogspot) ku baahiyay Wasiirka Amuuraha dibadda Dalka Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar Axmed Ayaa uu ku sheegay in dalalka Soomaaliya iyo Isu-Tagga Imaraadka Carabta ay wada Qireen madaxbanaanidda Dalka Soomaliya iyo Midnimadiisa ayagoona sheegay ay taasi muhiim u tahay amaanka iyo iskaashiga labada dal,

labada dal ayaa sidoo kale kawada hadlay iskuna afgartay iskaashi dhinacyo badan leh oo ay kamid yihiin amaanka labada dal, ladagaalanka arga-gixisada iyo burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga, socdaalka labada shacab iyo in Imaaraadku uu gacan ka gaysto in Soomaaliya laga cafiyo daymaha dunida looga leeyahay,

Shiikh Maxamed Bin Zayed ayaa madaxwayne Farmaajo ugu hambalyeey guushii uu gaaray iyo sidii uu ku kasbaday taageerada shacabka asaga oona u balaanqaaday in ay laba laabi doonaan taageerada ay siyaan  dowaladda Soomaaliya, si ay uga guulaysato kooxaha nabad-diidka oo aw ku sheegay in ay doonayaan in ay diinta af-duubtaan,

Yusuf Garaad ayaan qormadiisa kusoo hadal qaadin arrin ay aad u wada sugayeen shacabka Soomaaliyeed oo ah sida ay dowladda Federaaka ka yeeli doonto SALDHIGA BERBERA ow uu la wareegay Imaaraadka iyo dekadaha Berbera iyo Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay Imaaraadka ogaal-la’aanta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrinta ayaa ah hadal haynta ugu badan ee Dadka ka gadaal safarkii uu Farmaaajo ku aaday Imaaraadka Carabta, waxaana indhaha lagu wada haayaa waxyaabaha kasoo baxa dhamaadka Booqashada Madaxwaynaha ee Imaaraadka.

Sawirka Maanta

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com