Maraykanka Oo Iran ku Sheegay Dal Argagixisada Taageera, Amrayna in Heshiiskii Nukliyeerka Lagu Labto.

Madaxwaynaha Dalka Maraykanka ayaa golaha amaanka dalkiisa ku amray in ay dib u eegaan heshiiskii caalamiga ahaa ee Nukliyeerka ay la galaan dalka Iran iyo Hakinta cuna qabaynta dalkaas la saraay.

 

Xogahaya Amuuraha dibadda Maraykan Rex Tillerson oo Arrintan Shaaca ka qaaday ayaa Iran ku sheegay in ay tahay dal meelo badan ka taageera argagixisada iyo siyaabo kala duwan u taageera isla kooxahaan, sidoo kalan Maraykanka ayaa sheegay in dib u eegistaan ay tahay mid ka shaqaynaysa dahana amaan ee dalka maraykanka,

 

Heshiiskaan ayaa waxaa la gaaray laba sano kahor wada xaajoodyo badan kadib oo ay la galeen Ruushka, Shiinaha iyo Jermalka, Ururka Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo dalal kale ayaa Horay Cunaqabateen dhaqaale kusoo rogay Iran.

 

lama ogo habka ay Tahraan uga jawaabi doonto eedayntaas uga timid dhigeeda Washington, iyadoona ay dhacdadaaan sii kicinayso saxmadda dagaal iyo daandaansiga uu Maraykanku maalmahaan dambe uu waday iyo Xiriirka Ruushka iyo Iran oo Soo wanaagsanaanaayay.

Sawirka Maanta

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com