Sharci-ahaan waxu uu leeyahay, madaxweynaha Faransiiska awood balaaran, hadana wax badan uma hir-galaan: sabatuna waa tan hoos ku xusan

Mala awaalka awooda iyo kartida madaxeynaha Faransiiska

Waxaa qoray; Peter Giesen
Waxaa turjumay; Ali Yahye Jariirada; Volkskrant, 6 maarso 2017

Qoraal. Madaxweynanimada Faransiiska waxaa ku heeraarsan, dhal-dhalaal iyo awood baqortooyanimo oo aad u weyn, dadka faransiiskana arintaa qiimo weyn ayey u leedahay. Hadana taa waxaa ka soo horjeeda in marba marka ka danbeysa uu madaxweynaha wax badan uusan hir gelin karin.

“Aad ayey u adag tahay, aad iyo aad ayey uga dhib badan tahay, siddii aan u heystay” ayuu yiri isaga oo neef-neefsanaaya

nofembar 2013. Isaga waxaa usii digay madaxweynihii ka sii horeeyey.

“Ka faa-iideyso maalintaada beritoole ah, ayuu yiri Sarkozy. “sabata oo ah waa

François Hollande, bishii-

Markii uu guuleystay kadib 6 maajo 2012 waxaa soo wacay Nicolas Sarkozy.

maalinta keli ah ee aadan qabin wel-wel iyo walaac, wixii quseeya shaqadan”.

Habeenka aad ku guuleysatao doorashada faraxdeedu aad eyey u macaan

tahay, kadibna waxaa kuu bilaabanaya dhibka.

Aad ayey u adag tahay in labedelo

Beritoole waxa ay dooranayaan Faransiika madaxweyne cusub. Qofka

guuleysta isaga ama iyada waxa ay sidoo kale la kulmi doontaa iska horimaad

aan caadi ahayn ma jiro sharci ahaan wadamada reer galbeedka ah, hogaamiya

awooda intaa la-eg leh, hadana waxa usuura geleyaa ay sidaa u yar yihiin,

sidda madaxweynaha Faransiiska. Waxaa xarunta degaankiisa uu noqonayaa

Élysée, waxa gacanta u gelaaya awooda atoom-bamka, wuxuu hayaa awooda

hogaanka ciidanka oo meeshii uu doono u diri karaa sidda; Mali ama

Afganistaan, waxa uu awood u leeyahay in uu magacaabo ama kala diro

xukuumada iyo wasiiradiisa marka uu isaga doono. Haddii baarlamaanka isku

dayo in uu is hortaago rabitaanka ama awooda madaxweynaha, waxa uu

awood u leeyahay isaga oo kaashanaaya qodobka 49.3. ee dastuurka in uu

garab maro baarlamaanka. Waxaa moodaa madaxweynaha Faransiiska waa

boqor la doortay oo si demokaraatig ah ugu xiga Lodewijk XIV iyo Napoleon

Bonaparte.

Hadana ma jiro wadan la bar bar dhigo karo wadanka Faransiiska, marka la

rabo in wax la bedelo ama la hirgeliyo. Tusaale ahaan, wadamada Holland,

Scandenefiyanka ama Jarmalka wey ka sahalsan yihiin kana dhaqsi badan

yihiin marka laga hadlaayo in la sameeyo isbedel siyaasadeed ama dib u

habeyn maamulka wadanka, marka loo bar bar dhigo awooda boqortooyo isku

sheega ah ee ka jirta Faransiiska.

Ma jiro wiil-boqoreed

Madaxweynaha Faransiiska waxaa xarun u ah oo uu degan yahay Élysée,

qasriga uu boqorkii Lodewijk XV, u gaday haweeneyda uu ugu jeclaa marwo

Pompadour. Wax walba waa sidoodii, waxaa weli kasoo baxaya udgoon

boqortanimo, meel walbana waxaa ka muuqda firaashkii iyo nalalkii waqtigaa.

Laakiin markii uu madaxweyne François Hollande uu bixinaayey war

saxafadeedkiisii ugu horeeyey. Waxa uu carabka ku dhuftay in aan wax waliba

sidoodii hore ahayen. Wuxuu yiri maanta idinma hor taagna wiil boqoreed, ee

waxaa halkan maanta taagan duqii- hore ee magaalada Tulle.

Jamhuuriyada 5aad waxaa la aas aasay 1958, waxaana aas aasay generaal

Charles de Gaulle. Faransiiska waxa uu qarka u saarnaa dagaal sokeeye oo lug

ku lahaa tartan dagaalo oo ka jiray Aljeeriya. Geesigii dagaalka de Gaulle,

diyaar ayuu u ahaa in uu ku soo laabto wadanka isaga oo madaxweyna ah.

Laakiin waxa uu sharuud ka dhigay in madaxweynaha la siiyo awood

balaaran. De Gaulle waxa uu ahaa shaqsi aad loo xushmadeeyo oo ku soo

aaday xili aanan caadi ahayn oo jiray colaado iyo dagaalo. Laakiin jaakadii

jeneraal De Gaulle wey ku weyn tahay siyaasiyiintaa caadiga ah ee sidda

Sarkozy iyo Hollande, isla markaana waxa jaakadaa ay ku weynaan doontaa

kuwa hada u tartamaaya xilka madaxweynaninmo; Macron of Le Pen

“In doorashada lagu guuleystaa ma

ahan oo keliya, in aad tahay

tartahama ugu fiican” – Pascal Lamy

Hogaamiye

Hadana waxaa muuqda in Faransiiska uu ku dhex dhumay, dhaqan aad mooda in

ay boqortooyo dooranayaan. Rajada ah in uu mar yimaado bad-baadiye aan

caadi ahayn waa mid ku fogaatay mas kaxdeena ayuu yiri, taariikh-yahan Jean

Garrigues. Doorashada madaxweynaha Faransiiska waa arin aad u qoto dheer.

Shacabka Faransiiska waxaa ka dhaadhacsan in ay dooranayaan boqor, mar

walba rabitaanka shacabka wax walba ka hormarinaaya iyaga oo aad moodo in

ay iloobayaan xaqiiqda maanta dunidan waalatay ka jirta. Tar tamayaasha

waqtigan xaadirka ah jirana waxa ay iska dhigayaan in ay yihiin hogaamiyaal

baahida shacabka hir gelin doona. Ayuu qoray dhaqaale yaqaanka Pascal Lamy.

“Haddii aad rabtid in aad doorashada ku guuleystaa, waa in aadan ahayn oo

keliya tartamaha ugu fiican, ee waa in aad sameysaa balan qaadyo waa weyn oo

ku sheegeysid in aad wax waliba bedeli doonto. Sidda uu buugiisa ku qoray

Lamy, Quand la France s’éveillera. (Marka Faransiiska uu hurdada ka kaco).

Emmanuel Macron waa nin dhalin yar oo aad u aragti fog, waxa uu balan

qaadayaa in uu Faransiiska gelin doono hididiilo cusub, isla markaana uu ka

qaadi doono wax walba oo sanadihii la soo dhaafay wadanka dibu dhac weyn u

keenay. Haweenayda la yiraahdo Marine Le Pen, iyaduna waxa ay balan qaaday

arimahaa wax ka sii badan. Waxa ay tiri Faransiiskka waxa aan usoo celin

doonaa magacii qaaliga ahaa ee lagu yaqiinay waxa aana ka xoreyn doonaa

Yurub iyo culeyska weyn ee uga yimid caalamka

Marine la Pen iyo Emmanuel Macron

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com