Sawirro:Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo Lagu Soo Dhaweeyey Dalka Holland

Xildhibaan Daahir Amiin jeesoow oo ka mid ah xildhibaanada dowlada Federaalka Soomaliya ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Den Haag ee dalka Holland , Xildhibaanka ayaa kulamo laqaatay jaaliyadda Somaliyeed ee dalkaan ku nool.

Munaasbaddaan oo ay ka soo qeyb galeen aqoonyahano , siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan jaaliyadda Soomaiyeed ee ku dhaqan Dalkaan  aya waxaaa lagu marti qaaday Daahir Amiin jeesow asiga oo warbixin kasiiyey dadkii goobta iskugu yimid Geedi Socodka Nabada Somaliya

Sidoo kale xildhibaanka ayaa Rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaliya soo ceshan doonto awoodii ay ku leyd geeska Afrika.

Dadweynhii ka soo qeybgalay kulanka ayaa su’aalo ku weeydiyeygoobta  Daahir amiin  Jeesoow asigoona dhamaan ka jawaabay su’aalihi la weeydiiyey , wuxuuna kula dar-daarmay in laga qeeyb qaato dib u dhiska dalka lana garab istaago dowlada somaliya.

Ugu danbeyn waxaa Xafldda Soo Xiray Gudoomiyaha Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Holland Mudane Cali Ware Asigoona ugu baaqay Qurba joogto in lala shaqeeyo Dowladda Soomaaliya si mar labaad loo hanto Sumcadii Soomaaliya ay ku layed Aduunka.

Sawirka Maanta

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com