Akhriso: Soomaliland iyo khaatumo oo hargeysa ku gaaray heshiis ka kooban shan qodob

Maamulada soomaliland iyo khaatumo ayaa maanta heshiis hordhac ah ku gaaray magaalada hargeysa ee maamulka is magacaabay ee soomaliland.

Heshiiska oo ka kooban shan qodob ayaa waxa uu yahay mid xasaasi ah oo labada dhinac ay isku afgarteen in la meel mariyo,

Hadaba heshiiskaan waxaa qodobadiisa ku jira in soomaliland iyo khaatumo ay markale yeeshaan shir xasaasi ah.

Halkaan hoose ka aqriso qodobada lagu heshiiyay.

1- Somaliland iyo Khaatumo inay ku dedaalaan sidii afgarad buuxa looga wada gaadhi lahaa

2- In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada siman yihiin.

3- In dastuurka somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.

4- In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.

5- In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si lo odhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay.

Heshiiskana waxa si wada jir ah u saxeexay Gudoomiyaha guddida wada hadalka khaatumo ee somaliland Dr. Sacad Cali Shire ahna wasiirka arimaha dibada somaliland iyo Gudoomiyaha Weftiga Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ahna gudoomiyaha maamulka khaatumo ee Baarlamaanka.

Sawirka Maanta

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com