Ciidamada Nabad Suggida oo xalay gooyay wadooyin muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka Magaalada Muqdisho,

Ciidamada Nabad Suggida ayaa xalay gooyay wadooyin muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka Magaalada Muqdisho, xilli ciriiri badan uu ka jiro Magaalada gudaheeda.

Xalay ciidamada Nabad Suggida ayaa guud ahaan jaray wadooyinka jidcadyaasha ee dhexmara xaafadaha, waxaana hawlgalka lagu jaray wadooyinkaasi uu ka soo bilowday Isgoyska Danwadaagaha, iyadoo lagu geeyay Isgoyska Soobe ee Degmada Hodan.

Gaariga ka soo baxa Isgoyska Danwadaagta ma helaayo wado uu ka leexdo illaa uu ka yimaado Isgoyska Soobe, taasi oo ka dhigan in dhamaan jidcadyaashii xaafadaha dhexmaraayay lagu jaray caro tuur iyo dhagxaan.

Sidoo kale ciidamada ayaa jaray dhamaan jidcadyaasha dhexmara wadada dheer ee ka timaada Isgoyska Banaadir, agmartana Isbitaalka Ex-Digfeer ee hadda loo bixiyay Erdogan, waxaana goysmada wadooyinka jidcadyaasha ah lagu geeyay illaa Isgoyska Tarabuunka.

Qorshahan cusub ee lagu gooyay wadooyinka jidcadyaasha ayaa looga gol leeyahay inaysan wax gaadiid ah marin, islamarkaana dhamaan gaadiidka ay maraan Isgoysyada Magaalada si loo sii baaro, maadaama ciidamada ammaanka ay halkaasi taagan yihiin.

Inta badan gaadiidka dilalka qorsheysan lagu gaysto iyo Mootooyinka ayaa waxa ay ku baxsadaan xaafaddaha dhexdooda, waxaana taasi u sahli jirtay inay furnaayeen wadooyin waaweyn oo xaafaddaha dhexmara.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay la ciir ciireysa gaadiid fara badan, waxaana u sii dheer amni xumida Magaalada ka jirta iyo baaritaanada Isgoys kasta ah ee ciidamada ay sameeyaan

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com