Dagaal u dhaxeeyo alshabaab iyo ciidamada jabuuti oo xalay ka dhacay dagmada buuloburde

Dagaalamayaasha alshabaab ayaa xalay waxa ay weerar culus ku qaadeen magaalada buulo-burde ee gobolka hiiraan.

Maleeshiyada shabaab ayaa weerar ku ekeeyay saldhigga ciidamada jabuuti ee amisom ay ku leeyihiin duleedka dagmada buuloburde.

Dagaal qaatay mudo saacado ah ayaa dhexmaray dagaalamayaasha weerarka soo qaaday iyo ciidamada jabuuti waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale dagaalka waxaa bar bar socday hoobiyeyaal ay shabaab ku tuurayeen saldhigga ciidamada jabuuti.

Ciidamada Jabuuti iyo kuwa dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku baxeen degaanno ku dhow magaalada oo lagu tuhunsanaa in Al-Shabab ay hoobiyayaasha kasoo tuureen.

Isgaarsiinta oo hawada ka maqnayd maanta ayaa haatan dib usoo laabatay, sidoo kale waxaa magaalada saaka ka degay diyaarado kuwa ganacsiga ah.

Shabaabka waxa ay sheegteen in dagaalka ay qasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada jabuuti balse ma aysan qeexin qasaaraha inta uu la egyahay.

Geesta kale howlgalka amisom ee jabuuti kama uusan hadlin weerarkii xalay shabaab ku qaadeen saldhiggooda buuloburde.

 

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com