Laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda oo goordhaw lagu toogtay dagmada dharkenley

Wararka aynu hada ka heleyno dagmada dharkenley ee gobolka banaadir ayaa waxa ay sheegayan in goordhaw halkaasi lagu toogtay ciidamo ka tirsan dowladda.

Dableey bastoolado ku hubeysan ayaa suuqa boocle ee dagmada dharkenley waxa ay ku toogteen laba askari oo ka tirsan ciidamada canshuuraha ka qaada suuqa.

Kooxda dilka geesatay ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay seddex nin oo dhalinyaro ah islamarkaana bastoolado watay dhamaantooda,

Dhalinyarada dilka geesatay ayaa goobta ka baxsatay sida ay goob joogayaal inoo xaqiijiyeen waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka.

Labada askari ee la toogtay ayaa waxa ay ku jireen goob timaha lagu jarto waxaana la sheegay in mid kamid ah halkaasi uu ku dhintay halka mid kalana uu dhaawac xun soo gaaray.

Sawirka Maanta

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com