Dowladda ingariiska oo kordhineysa taageerada dhaqaale oo ay siiso dowladda soomalia

Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah Priti Patel ayaa maanta ku baaqday dadaal cusub oo dheeri oo wadajir ah si looga hortago in malaayiin qof u dhintaan gaaji iyo cudur.

Wasiiradda oo ahayd qofkii ugu horreeyay ee booqda Afrika doorshadii guud kadib ayaa ammaantay sida hoggaanka UK u badbaadiyo nolosha dad badan oo ay soo food saartay halista gaajada.

Lakiin waxay ka digtay in dhibaatadu ay gaartay heer xasaasi ah iyo in dardargalin la’aanta dadaalada beesha caalamka ay khatar ku tahay horumarka la sameeyay iyada oo taasi ay keeni karto in dad badan ay dhintaan isla markaana khalkhal u keeni karta gobolka.

Waxaa ay caddeysay in UK ay sii wadi doonto dadaalada, iyadoo ku dhawaaqday 90 milyan oo gini oo ah taageerada aadka loogu baahan yahay taasi oo caawin doonta in ka badan 2 milya o qof oo ku nool Soomaaliya iyo Itoobiya oo u baahan biyo nadiif ah, cunto, iyo caafimaadka deg deg ah. Deeqda lacagaha waxay isagu jiraan 60 milyan oo loogu tala galay Soomaaliya iyo 30 milyan oo loo qoondeeyay Itoobiya.

Soomaaliya  oo ah dal ay hareeyeen dagaallo sokeeye iyo xagjirnimo oo malaayiin qof ay ka carareen guryahooda, taageeradanada maaha kaliya caawinta dadka si ay u noolaadaan, waxaa kaloo la siinayaa fursad ay ku doortaan noloshooda iyo mustaqbalkooda si aan loogu qasbin inay ku biiraan kuwa xagjirka mise ay galaan safarka halista ah ee dibadda.

Dowladda Itoobiya waxay muujisay hogaan adag abaartii 2016 waxayna la yimaadeen in ka badan 700 milyan oo doolar si ay u daboolaan baahida dadkooda. Waxaan la shaqeynaynaa dowladda si loo hubiyo in ay si waxtar leh uga jawaabaan sanadkan, si loo qorsheeyo isla markaana mudnaanta loo siiyo ayna kor u qaadaan maalgalintooda ay uga jawaabayaan abaarta.

Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah Priti Patel ayaa waxay tiri:

“Dowladda Britain waxay horseed u tahay bixinta adeegyo halbowle u ah nolosha malaayin qof oo ku nool Soomaaliya iyo itoobiya kuwaas oo halis ugu jira macluul iyadoo laga cabsi qabo in abaartu isu bedesho musiibo.

“Waxan soo arkay gargaark UK ay bixiso oo ah badbaadinta iyo bedelidda nolosha. Tani waxay keentaa xasilinta wadamada aduunka ugu nugul taasi oo fursad u ah dadka nugul si ay u dhisaan noloshooda sidaas daraadeedna loo sugo ammaanka UK.”

“UK ayaa kor u qaaday taageerada isla markaana u ololeysay in bahwadaagta kalena ay taageero bixiyaan taas oo ka hortagtay faafidda abaarta. Waxaan muujinaya hogaankanaga  inagoo bixinayna cunto dheeri ah, biyo dheeraad ah iyo daawo badan oo loogu tala galay kuwa halista ugu jira inay u dhintaan abaarta iyo colaadda.”

“Dunidu waa inay nagu dayato isla markaana an tallaabo qaadno si aan u cirib tirno dhibaatooyinka bani’aadamnimada oo halis  galiya xasiloonida caalamka isla markaana aan dardar galino horumarka nabadda iyo ammaanka- taas oo dan u ah cid kasta”

Adduunka waxaa soo wajahay dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo bani’aadamnimo 2017-ka, oo ay ka jiraan abaar qaybo ka mid ah Koonfurta Suudaan, oo si caalami ah loogu dhawaaqay tan iyo 2011-kii.

Jawaab deg-degga ah ayaa ka timid UK horaantii sanadkan oo ku wajahan dhibaatada cunta yarida sii kordhaysa ee geeska Afrika, oo ay ku jiraan Soomaaliya oo loo balan qaaday £ 110 milyan, Itoobiya £ 11.5 milyan  iyo £ 10 milyan oo ay ku deeqeen dadweynaha  in la siiyo Guddiga Musiibooyinka ee Deg-degga ah taas  oo keentay jawaab caalamigaga. Taageeradan ayaa waxaa looga gol lahaa in looga hortago macluusha ka jirta Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin qatarta wali way jirtaa.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com