DEG DEG: Qarax loo adeegday gaari oo ka dhacay wadada shaqaalaha ee magaalada muqdisho

Wararka aynu ka heleyno magaalada muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in qarax xoogan oo dhawaqiisa laga maqlay magaalada oo dhan uu waxyar ka hor ka dhacay wadada mashquulka badan ee maka almukarama.

Qaraxa waxa uu ka dhacay wadada shaqaalaha ee ku teedsan maka al-mukarama iyadoona warar dheeraad ah ay ka soo baxayan qaraxa.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa uu ka dhacay meel u dhaw carwa al-kowthar ee ku taala agagaarka isgooyska dabka.

Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa iyo cida lala eegtay waxaana adag in xog rasmi ah laga helo qaraxa maadama xii habeen ah ay tahay.

 

Sawirka Maanta

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com