Dhageyso: Maamulka koonfur galbeed oo hub iyo saanad milatari ku wareejisay mukhtaar roobow

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan dagaalka u dhaxeeya alshabaab iyo hogaamiyaha falaagada ka noqday kooxdaasi ee mukhtaar roobow abuu mansuur.

Alshabaab ayaa dhowr jeer isku dayday in ay dagaal ku qabato roobow iyo xulafadiisa kadibna ay disho kadib markii u wadaadkaasi ka biyo diiday in shabaabka uu isku dhiibo.

Dhowr mar ayey shabaabka dagaal xoogan ku qaadeen tuuladii uu ku sugnaay roobow masnuur sanadihii ugu dambeeyay ha yeeshee dagaalamayaal daacad u ah wadaadka baxsadka ka ah shabaab ee roobow mansuur ayaa waxa ay iska caabin xoogan kala hortageen dagaalyahanada alshabaab oo amar lagu siiyay in ay qaarajiyeen mansuur roobow.

Wararka hada laga helaayo xiisada alshabaab iyo roobow mansuur ayaa waxa ay sheegayan in maamulka koonfur galbeed ay qeyb ka noqotay waxana maamulkaasi ay hada gacan weyn siinayan abuu mansuur.

Saanad ciidan iyo dhaqaale aad u badan ayuu maamulka koonfur galbeed ku wareejiyay wadaadka horay uga tirsanaay alshabaab ee mansuur roobow.

Amar ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu sheegay in Masuuliyiinta uu u diray inay wada hadalka la galaan Sheekh Mukhtaar uu u sheegay in lacag, Saanad ciidan iyo ciidamo gaar ah lagu xoojiyo dagaalka uu kula jiro Al-shabaab.

Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyay ee qorshaha Shabaab ayaa sheegaya in go’aankooda ugu weyn uu yahay inay dilaan Abuu Mansuur, sababtoo ah hadii uu galo gacanta dowlada Soomaaliya ama uu isku dhiibo waxaa gabi ahaanba burburaya awooda siraha qarsoon ee kooxda maadaama uu Sirdoonka Mareykanka iyo Dowlada Federaalka ku wareejinayo xogaha aan caadiga aheyn uu ka hayo Al-shabaab.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa mar soo noqday Hogaamiye ku xigeenka Al shabaab sidoo kale mar wuxuu ahaa Afhayeenka ururka, walow khilaaf dhowr ah uu xilalkaasi kaga tagay.

Maamulka Koofur Galbeed iyo Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay inay isku fahmeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka, mar alla markii uu culeys soo fuulana ay u gurmadaan, kana caabiyaan.

Saanada milatari ayaa waxa ayaa waxaa laga keenay dagmada xudur waxaana lagu wareejiyay roobow mansuur si uu isaga difaaco gulufka dagaal ee uga imaanaya alshabaab.

Maleeshiyada taabacsan Abuu Mansuur oo lagu sheegay inay gaarayaan boqolaal ayaa difaacyo adag ka sameystay deegaanka Abal iyo agagaarkeeda, halkaasoo ah goobo buuraley iyo howd ah, ayna adag tahay cidii difaac gasha si looga bixiyo.

Xiisadaan u dhaxeysa shabaab iyo abuu mansuur ayaa timid ka gadaal markii dowladda mareykanka ay si kadis ah liiska argagaxisada uga saartay abuu mansuur roobow waxaana markaasi wixii ka dambeeyay alshabaab ay go’aansadeen in gabi ahaanba ay ka taqalusaan abuu mansuur ayna marsiiyaan wadadii ay mareen hogaamiyeyaashii isaga ka horeysay ee ku baxay gacanta alshabaab sida ibraahim afgaan, macalin burhaan iyo xubno kale oo shabaabka ay dileen sidoo kalana waxaa shabaabka gacantooda kasoo baxsaday shiikh xasan daahir aweys oo hadda ku jira gacanta dowladda federaalka.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com