Madaxweynaha jubbaland oo kismaayo kusoo dhaweeyay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Prof: Cabdi Ismaaciil Samatar oo maalmahan Magaalada Kismaayo u joogay wacyi galinta Bulshada iyo ku dhiiri galinta waxbarashada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu Prof: Cabdi Ismaaciil uga mahad celiyay dadaalkiisa la xiriira sidii loo samayn lahaa jiil Cusub oo ka fayow qabyaalad iyo jahli taas oo ah waxa kaliyah ee ay Soomaaliya dib ugu soo kaban karto.

Prof: Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku amaanay sida Madaxweynaha Jubbaland ay uga go’an tahay isku haynta umada iyo samaynta jawi ku haboon sidii midnimada Soomaalidu u waari lahayd isagoo xusay in uu rajaynayo in dadaalka loogu jiro dib u dhiska Soomaaliya uu halkiisa kasii wadi doono Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com