Daawo Sawirro: la taliyaha Sare ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kulan is xog wareysi ah la qaatay madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed

Mahad Axmed Abdi la taliyaha Sare ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maalmihii u dambeyay safar shaqo ku joogay magaalada Baydhabo ayaa waxa uu manta kulan is xog wareysi ah la qaatay madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh adan

Labada masuul oo ay wehliyaan agaasimaha Hay’adda u qaablisan laanta Koofur galbeed iyo agaasimaha shaqada iyo shaqalaha ayaa ka wada hadlay sidii loo hormarin lahaa adeega ay hay’addu ka heyso deeganada Koofur Galbeed.

Dhanka kale la taliyaha iyo wafdiga la socday ayaa kormeer ku tagay xarunta bixinta Baasaboorada iyo Garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaas oo ay kula kulmeen saraakiisha Hay’adda u qaabilsan howlahaas isla markaana uu la taliyaha ku dhiirigaliyay saraakiisha in shaqada ay bulshada u hayaan ay si hufnaan iyo daacnimo ah u gutaan.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com