Malaayiin ruux oo sanadkaan gudaneysa xajka oo maanta taagan banka carafa

Malaayiin xujaaj ah ayaa maanta ku cibaadeysan doona buurta Carafat si ay u gutaan waajibka ugu weyn ee xajka. Xujaajta ayaa taagnaan doona banka carrafa taasoo bilaaban doonta marka ay qorraxda soo baxdo ilaa ay qorraxda ka dhaceyso.

Kumanaan Soomaali ah oo ka baxay dalka iyo dibbadiisa ayaa ka mid ah muslimiinta gudaneysa waajibaadka xadka ee sanadkaan.

Dhanka kale Dowladda  Sucuudigu ayaa sheegtay in ay sannadkan dib u celisay ku dhawaad 400,000 oo qof oo aan sidanin waraaqo rasmi ah oo ay ku geli karaan dalka, si ay u gutaan waajibaadka Xajka.

Sannadkan dadka laga celiyey waxa ka mid ah xujayda Iran ee sannadkii hore qaadacay Xajka markii dawladoodu sidaa ka codsatay, ka dib khilaafkii Sucuudiga iyo dalkooda ee ay isku maan dhaafeen shilkii Xajka ka dhacay 2015-kii ee ay 2.300 qof ku dhinteen.

Sawirka Maanta

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com