Meydadka dadkii lagu laayay bariire oo la aasayo iyo Dowladda soomalia oo magdhaw ka bixineysa

Dowladda soomalia oo cadeysay in dadkii lagu xasuuqay deegaanka bariire ay ahaayeen dad shacab ah waxaana dowladda ay sheegtay in magdhaw iyo diyo ay ka bixin doonto dadkii lagu xasuuqay bariire meydadkana maanta ayaa la aasaya .

Dowladdu waxey bixisay 130,000 oo duug ah waxaana sidoo kale lagu heshiiyay in halkii qof ay Dowladdu ka bixiso mag dhan 70,000 oo u dhiganta 100 halaad, lacagtaas waxaa lagu bixin doonaa 3 bilood gudahood oo isniinta ka bilaabaneysa, meydadkii ayaa hadda la aasaya.

Aaska meydadka 10-ka qof oo 3 ka mida ay caruur yihiin ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiiro iyo Xildhibaano dowladda Soomaaliya.

Wasiiro iyo xildhibaano ayaana hadda ku sugan cisbitaalka madiina oo meydadka ay yaalaan waxaana lagu wadaa in goordhaw la aaso.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com