Wajigii daboolna ee Abdiwahid Goonjeex oo soo if-baxay, kadib dooda qalbi-dhagax

KALA HADAL: Marka uurka iyo afkaaga wada socon, ee aad khudbada u jeediso un ” Ha lagaa sheego iyo dadka u awr-kacso hadba sida uu dareenkoodu yahay, waxaa kaa daba timaada maalin aad wajigaaga dhabta ah la soo baxdo.

Senator Abdiwahid Elmi Goonjeex , markii uu khudbadan jeedinayey waxaa uu ahaa ” Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya ” , waxaana uu qirsanaa in ( Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kala jooga Jabuuti, Soomaali Galbeed,Waqooyi Bari Kenya iyo labada gobol ee ku midoobay Jamhuuriyada Soomaaliya ay u wada siman yihiin dalka Soomaaliya, oo ay wada yihiin muwaadiniin dalkan kala xigin!”.

Markiise xiisada Qalbi-dhagax timid, oo ka mid ah muwaadiniinta uu shalay u aqoonsanaa inay isaga la mid yihiin, waa kan la yimid ged cusub iyo isku xanbaarka geedo aan qarin karin isbadelkiisa. Waxaa uu si cad oo aan dhuumasho laheyn ugu codeeyey ” Qalbi-dhagax oo Itoobiya gacanta loo geliyey loogama hadlayo aqalka sare, ee naga daaya” isagoo is leh la hadalkiisa waxaa uu galaafan karaa xukuumadda uu soo dhistay Farmaajo, oo xigto dhaw u ah Senator Abdiwahid Goonjeex.

Qabyaaladu marka ay xun tahay waa marka ninkii isku caleema saari jiray ” Wadani ” ayaan ahay ay banaanka soo dhigto, isaga oo qabyaalad aan la barxin ku difaacaya fal uu sameeyey ama fal qof isaga ku reer ah ku eedeysan yahay.

Abdiwahid Goonjeex iyo Soomaali inay is bartaan muddo ayaan raadinayey, waxaana dad badan waagu ku baryey markii Farmaajo la doortay inuu Abdiwahid Goonjeex la soo baxay waji u daboolnaa oo ah inuu Soomaali ku kala sooco danta shaqsiyadiisa iyo danta qof uu u arko inay isku xigto yihiin.

Waxaa ballanqaadeynaa in ummadda Soomaaliyeed la wadaagno cidkasta oo magacooda ku gelineysa halis, kuwaasi oo raba in laga aamuso xumaanta ay walaaqayaan.

Sawirka Maanta

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com