Raysal wasaare Kheyre oo maanta ku wajahan magaalada New York (Qorshaha safarka

Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maanta uu u ambabaxo magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa safarkiisa ku wehlin doona Xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Somalia.

Kheyre iyo wafdigiisa ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeybgali doona shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa magaalada New York uga sii hormaray wafdi horudhac ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Wasiir Yuusuf ayaa horay warbaahinta ugu sheegay in inta ay ku sugan yihiin Mareykanka inay kulamo Gooni Gooni ah la qaadan doonaan mas’uuliyiin ka kala socota dalalka Caalamka, oo iyana shirkasi ka qeyb galaya.

Geesta kale, qorshaha ayaa ahaa in shirkaasi uu Somalia u matalo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo balse uu ka baaqsaday.

Sawirka Maanta

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com