Fowziyo Yuusuf “Dowlad goboleedyada gef iyo qalad ayay ku tahay inay ka garab hadlaan Dowladda Dhexe”

Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore iyo Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay go’aanada maamul goboleedyada dalka ka jira ay ku garab marayaan go’aankii dowladda Federaalka ka qaadatay xiisada Khaliijka.

Fowziyo Yuusuf oo la hadlaeysay Idaacada VOA ayaa sheegtay in dowladda Dhexe ay leedahay mas’uuliyadda arrimaha dibadda, isla markaana qodobka 54aad ee dastuurka uu qeexayo, wixii cilaaqaad lala yeelanayo dowladaha deriska iyo kuwa caalamiga inay dowladda Federaalka ay mas’uuliyadeeda leedahay.

“Waxaa u arkaa go’aanada dowlad goboleedyada arrin gef, qalad iyo dambi laga galayo qaranka inay tahay, iyo inay dowladaaha la midka ah ay garab istaagto in lagu dahabar jebinayo, laga garab hadlayo, waa ka xumahay in laga shaqeeyo in dowladda iyo dalka in aan horay u socon la fur furayo, kolba doc wareer lagu haayo”ayay tiri Fowziyo Yuusuf oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in xiisada Khaliijka lagu dhex jiro, gaar ahaan dalal ay ka mid tahay Kuwait ay dhex dhexaadineyso, meel fiican ay mareyso heshiisiintooda, iyadoo intaa ku dartay inay yihiin dad aan kala maarmin oo mar un heshiin doono.

Hase ahaatee waxaa ay qalad ku tilmaamtay in Soomaali ay dhinac u kala raacdo xiisadaas, iyadoo ku ammaantay dowladda Federaalka mowqifkii horay uga qaadatay ee dhex dhexaadnimada ahaa.

“Dowladda waa inay ku adkeysataa mowqifka dhex dhexaadnimada ee ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka, waana heshiinayaan, waa in dowladdu lagu ixtiraamo wixii arrimaha dibadda ku saabsan”ayay tiri Xildhibaan Fowziyo.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in aanay meelna ka jirin go’aan dowladda dhexe gaartay inay ka hor-timaado dowladaha hoose ama gobol, iyadoo tusaale u soo qaadatay in Gobolka Wajeer ee Kenya in aanay ka hor imaan karin go’aanka dowladda dhexe ee Kenya soo saarto.

 

Maamulka Koofur Galbeed ayaa shalay war saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu kula saftay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ka hor-jeeda, iyagoo ugu baaqay dowladda Federaalka inay ka laabtaan mowqifkii dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay xiisada khaliijka.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com