Abaarlmarinta Nabada oo sanadkan ay ku guuleysteen koox u ololeysa ciribtirka hubka Niyukliyerka

Abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka ayaa la guddoonsiiyay sanadkan koox u ololeysa in la cirib tiro hubka nuyuukleerka oo lagu magacaabo Ican.

Guddoomiyaha Guddiga Abaalmarinta Nobel haweenayda lagu magacaabo Berit Reiss-Andersen ayaa sheegtay in kooxdan ay abaalmarinta ku muteysteen dadaalkooda ay ku doonayaan in lagu hirgaliyo heshiisyo iyo sharciyo adduunka oo dhan looga tirtirayo hubka Nuyuurleerka.

“Waxaan ku noolnahay duni halista hubka nuyuukleerka ay badantahay in la isticmaalo” ayay tiri guddoomiye Berit oo sidoo kale farta ku fiiqday tusaale Waqooyiga Kuuriya. Guddoomiye Reiss ayaa ugu baaqay dalalka leh hubka nuyuukleerka in ay bilaabaan qorshe ay ku ciribtirayaan hubkan.

Ururka Ican oo ku guuleystay abaalmarintan ayaa waxa uu ka koobanyahay boqolaal hay’ado aan dowli ahayn, wuxuuna saldhig ku leeyahay magaalada Ganeva ee dalka Switzerland. Waxa uu helayaa lacag dhan hal milyan oo doolar, billad iyo shahaado oo ah waxa ay ka koobantahay abaalmarinta Nobel.

Beatrice Fihn oo ah agaasimaha guud ee Ican ayaa yiri “Sharciyada dagaalka waxa ay dhigayaan in aanan dadka rayidka ah wax la yeelin, balse hubkan waa mid shacabka gumaadaya, waxaana loogu talogalay in magaalooyin dhan dhulka lagu daro”.

Abaalmarintan ayaa imanaysa xili hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu sameeyay tijaabo gantaalada ah iyo mid hubka nuyuukleerka, talaabadaas oo xiisad ka dhexdhalisay Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo maamula hubka nuyuukleerka ee adduunka ugu awoodda badan ayaa ku hanjabay in uu dhulka la jari doono Kuuriyada Waqooyi , haddii buu yiri lagu qasbo.

Sanadkii hore abaalmarinta nabadda waxaa ku guuleystay madaxweynaha Colombia Juan Manuel Santos kadib markii uu heshiis nabadeed la gaaray kooxda falaagada ah ee Farc.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com