Aaway Mudane Madaxweyne Balanqaadkaadii 8 Feb ka hor?

Dowladdu waa in ay dadkeeda u damqataa Laba maalin in waddooyinkaan ay xirnaadaan koleey wax la sugaayay mey aheyn

Saameynta ugu weyn waxa ay ku yeelatay Xoogsato, Ganacsato, arday ,Hooyooyin waayeello ah Iyo Dad xanuunsanaya oo goobo caafimaad u socda aanan awoodi karin in ay lugeeyaan sow mey aheyn in dadkaasi loo damqado?

Dadka Muqdisho dhibaatooyinka ugu badan waxa ay ku qabi jireen waddooyinka maalinkasto sabab la’aan u xiran dowladdihii hore dhaliilo badan ayey arintaasi kala kulmeyn Balse Ol’olahii Nabad iyo Nolol waxaa uu soo jiitay Kumanaan ruux kadib markii madaxweyne Farmaajo waqtigaasi oo baarlamaanka hortooda shacabka uga balan qaaday in aysan dhici doonin wado loo xiri doono Mas’uul dowladdeed taasi oo shacbiyaddii ugu badneyd madaxweynaha uu ka helay.

Miyaad Balan qaadkii ilowday Madaxweyne mise Ol’ole oo kaliya ayey kaa aheyd?

Oggoow madaxweyne dadkaada ayaad qiimo ku leedahay In aad u damqataana sharaf iyo Ixtiraam ayaad ka dhaxleysa ee Masaakiinta waddooyinka haloo furo Mudane madaxweyne Naxariis waanba kugu ogeynee.

Dhaliil igama ahan ee Waa Baraarujin iyo Soo jeedin waqtigeeda timid mudane madaxweyne.

WQ/ Cabdi casiis Dahir Xidig

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com