Erdogan oo ku Hanjabay Inuu Xiriirka u Jari Doono Israaiil.

Iyadoo ay soobaxayaan warar sheegaya in Maraykanku uu  Qudus (Jerusallaam ) ka furan doono safaaradiisa Israaiil taas oo u dhiganta in Maraykanku uu aqoonsaday ka mid ahaanshaha Qudus ee Israaiil ayaa uu Madaxwaynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan maanta ku goodiyay in ay xiriirka u jari doonaan Israiil haddii ay taas dhacdo.

“Mr.Trump, Qudus waa qadka Cagaaran ee Muslimiinta, xaqiinta arrintaas ku aadanne waan wadi doonaa xitaa haddii ay nagu qaadanayso inaan xiriirka u Jarno Israaiil.” Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga la hadlaayay maanta.

Mr Erdogana ayaa mar uu arrintaan ka hadlaayay waxaa uu sheegay in Qudus ay tahay goob xurmaysan oo ay muslimiintu leeyihiin isla markaana ay muslimiinta uga dhigantahay qad cagaaran oo aysan cidna gudubi karin, Madaxda Falastiin ayaa sidoo kale ku hanjabay in ay xiriirka u jari doonaan Maraykanka haddii uu tallaabadaas qaado.

Sidoo kale madaxwaynaha Faramsiiska Emmanuel Macron ayaa Trump ugu baaqay in arrinta Qudus lagu dhameeyo wadahaddallo nabadeed  oo dhex-mara Falastiin iyo Israaiil. Jaamacadda Carabta oo ayagana arrintaan maanta ka shiray.

Madaxwaynayaasha Falastiin iyo Turkiga, Maxamuud Cabaas iyo Rajab Tayib Erdogan.

Tallaabadaan uu Maraykanku rabo inuu qaado tobaneeyo sano kadib ayaa waxaa ka horyimd maxadwaynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogan asagoo ah madaxwayne in badan u ololeeya madaxbaaninadda dadka reer Falastiin iyo guud ahaan u gargaariadda dadka muslimiinta aduunka oo ay u dambeeyeen Muslimiinta dalka Maymar.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com