Qof noocee ah ayuu ahaa Cali Cabdalla Saalax?

Cali Cabdalla Saalax ayaa saamayn wayn ku lahaa siyaasadda Yemen muddo tobannaan sano ah intii uu madaxweynaha ahaa iyo xitaa markii uu xilka ka dagayba.

Saalax wuxuu ahaa siyaasi wuxuuna xulafo la’ahaan jiray madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen, laakiin taageeradiisii ayuu dhanka Maraykanka u weeciyay wixii ka dambeeyay weerarkii 9/11 wuxuuna ku badashay malaayiin doolar oo gargaar ah.

Sannado badan ayuu maareeyay in xilkii uu isku dhajinayay iyadoo ay dalkaas ka jirtay saboolnimo iyo waliba iyadoo ay taasi wehelisay muranno badan oo qabiil iyo dad badan oo hubaysan oo ka soo horjeeday.

Si kastaba ha ahaatee dawladdii kaligeed taliska iyo musuqmaasuqa isku darsatay ee Saalax waxaa soo afjaray mudaaharaadyo waawayn oo ay dadku isugu soo baxeen magaalooyinka.

Dhisamashiisii 4tii Dhisembar ayaana dhacday maalmo uun ka dib markii uu soo afjaray xulafadii uu la ahaa jabhadaha Xuutiyiinta ah, iskaashigaas ayaase soo jiray saddex sano oo uu dalkaas ka taagnaa dagaal sokeeye.

Maxaa ku dhacay Saalax?

Tageerayaashiisa ayaa billooyin badan ka garab dagaalamayay Xuutiyiinta iyaga oo ka soo horjeeda madaxweynaha hadda haya talada dalka Yemen ee Cabdurabah Mansuur Haadi.

Laakiin 2dii Dhisembar ayuu Salaax soo jeediyay “in bog cusub la furo” haddii xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo ee taageeraya Hadi ay joojiyaan weerarrada ay ka gaysanayaan dalka Yemen ayna soo afjaraan go’doominta.

Xuutiyiinta ayaa markaas ku eedeeyay in uu “inqilaab” gaysanayo, waxaana billawday dagaal dhex maray taageerayaashiisa iyo kuwa Xuutiyiinta.

Maalmo ka dib Saalax waxaa lagu dilay Koonfurta caasimaddka dalka Yemen ee Sanca.

Dhacdadaas waxaa aad u ammaanay “oo arrin wayn oo saamayn leh” ku tilmaamay hogaamiyaha Xuutiyiinta, CabduMalik al-Xawti.

Hardankiisii siyaasadeed

Cali Cabdalla Saalax wuxuu dhashay 21 Maarso 1942dii, wuxuuna ka soo jeedaa qabiilkaa Sanhan.

Ciidammada ayuu ku biiray isaga oo ka qaybqaatay dagaalkii sokeeye ee dawladdii Waqooyiga Yemen, dagaalkaas oo u dhexeeyay boqortooyadii uu Sucuudigu taageersanaa iyo Jamhuuriyiintii ay Masar maalgalinaysay.

Markii shirqoolka lagu dilay madaxweynihii Waqooyiga Yemen Axmed ibn Xuseen al-Ghashmi 1978dii, Saalax ayaa noqday afar ruux oo ka mid ah guddigii hogaanka qabtay.

Saalax waxay aad isugu dhawaayeen Saddam XuseenSaalax waxay aad isugu dhawaayeen Saddam Xuseen

Hal bil ka dibna, baarlamaankii Waqooyiga Yemen ayaa madaxweyne u doortay.

Saalax ayaa taageero ka helay qabaa’illadii dagaalamayay, waxaana dad badan oo xaaladda la socday ka yaabisay in mar kale la doortay 1982dii, oo waliba haddana dib loo soo doortay lix sano ka dib.

Wuxuu aad uga shaqeeyay la midoobidda Koonfurtii Yemen ee Shuuciga ahayd, hawshaas ayuuna sii dardar galiyay markii uu dumay Midawgii Soofiyeet oo ahaa meesha ugu wayn ee Koonfurtu ay taageerada ka heli jirtay.

Bishii May ee 1990kii Cali Cabdalla Saalax ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda cusub ee Yemen iyadoo caasimaddana Sanca laga dhigay.

“Aragagixiso la dagaalanka”

Sannadihii hore ee jamhuuriyadda dhibaato ayaa soo foodsaartay. Dagaal sokeeye ayaana qarxay, 1994tiina koonfurta ayaa ku dhawaaqday madaxbannaani, si kastaba ha ahaatee gooni u goosadkaas ayaase labo billood oo kali ah sii jiray, Saalax ayaana mar kale la wareegay hogaankii Yemen oo midaysan.

Doorashadii u horraysay ee xor ah xsibiga Saalax ee GPC ayaa ku guulaystay kuraasta intooda badan, laakiin dawlad wadaag ah ayuu la sameeyay xisbiga YSP iyo xsibigii diinta ee Islaax.

Rabshado ayaana wali sii hareeyay siyaasadda Yemen.

Jabhado dib ugu soo noqday Yemen 1990yadii oo ka soo dagaalamay Afghanistan iyaga oo ka soo horjeeda midawgii Soofiyeet ayaa sii huriyay colaaddii Yemen.

Toddobo iyo toban bad maax ayaa dhintay marka la weeraray markabka USS ColeToddobo iyo toban bad maax ayaa dhintay marka la weeraray markabka USS Cole

Afduubka ayaana meel aan waxba laga qaban karin gaaray. Dhacdooyinkaas ayaase badankood ahaa kuwo aan dhiig ku daadanin tan iyo markii la afduubtay 16 ruux oo dalxiiseyaal reer galbeed 1998-dii, dagaal arrintaas ka billawday ayaana horseeday in ay dhintaan afar ka mid ahaa dalxiiseyaashii.

Bishii Oktoobar ee 2000, Markab kuwa wax burburiya ah ee Maraykanku leeyahay oo la dhoho USS Cole ayay dambooyin la dhaceen xubno ka tirsan dadka jihaad doonka ah, kaas oo ku sugnaa dekedda Cadan waxaana halkaas ku dhintay 17 badmaax oo Maraykan ah.

Rabitaan la’aanta dawladda loo hayay ayaa koradhay markii uu Saalax Maraykanka u ogolaaday in ay ugaarsadaan Malayshiyaadka wixii dhacdadaas ka dambeeyay.

Markii uu dhacay weerarkii 9/11 lagu qaaday Maraykanka ka dib ayuu Saalax booqday Washington wuxuuna la soo laabtay gargaar maaliyadeed isaga oo ogolaaday in CIA-da ay Yemen ka billawdo “dagaal ka dhan ah argagixisada”.

Mudaaharaadyo waawayn

Khuburada milatariga ee dalka Maraykanka ayaa la geeyay Yemen si ay u tababaraan ciidammada khaaska ah ee la dagaalamaya argagixisada ee ka dhanka ah al-Qaacidda iyo kooxaha xulafada la ah.

Bishii June ee 2004tii ku xigeenkii hore ee gudoomiyaha baarlamaanka Xuseen al-Xouti oo calaaqaad la lahaa Lubnaan ayaa billaabay dagaal hubaysan oo ka dhan ahaa xukuumadda.

Ciidammadii dawladda ayaa durba cagta mariyay jabhaddaas laakiin boqollaal ruux ayaa ku dhintay.

Dadka ayaa ka mudaaharaaday in Saalax uu awoodda isku sii dhajiyoDadka ayaa ka mudaaharaaday in Saalax uu awoodda isku sii dhajiyo

Musuqmaasuq baahay ayaa gacan ka gaystay in ay sare u kacdo saboolnimadu intii uu talada hayay, bishii Luulyo ee 2005tiina tobanaan ruux ayaa la dilay ka dib markii ay dhaceen mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday dawladda oo joojisay qiimihii ay ku kabi jirtay sicirka shidaalka.

Saalax ayaa mar kale loo dhaariyay xafiiska bishii Sabtembar ee 2006dii ka dib markii uu helay 77% ka mid ah codadkii la dhiibtay.

Laakiin markii uu ku guuldarraysatay in uu keeno isbadalladii dhaqaale iyo kuwii siyaasadeed ee aadka loogu baahnaa ayay Yemen ku sii bateen dadka mucaaradka ah.

Mudaaharaaadyo waawayn oo caan noqday oo ay sii huriyeen kuwii ka dhacay Masar iyo Tunuusiya ayaa ku qasbay in uu ku dhawaaqo in uusan isu soo taagi doonin doorashadii 2013kii.

Xil kadagistii Saalax

Markii uu ka laabtay ballanqaadkii bishii May ee 2011 oo uu sheegay in uusan is casilaynin dibad baxyo hor leh ayaa billawday.

Bil ka dibna si xun ayuu u dhaawacmay ka dib markii la weeraray madaxtooyada.

Ka dib markii Saalax lagu soo daweeyay Maraykanka wuxuu Yemen dib ugu soo laabtay bishii Feebaraayo ee 2012kii dibad baxyo hor leh ayaana billawday.

Bishii Feebaraayana 27keediina si rasmi ah ayuu madaxweyne ku xigeenkiisii Cabdrabbah Mansour Hadi ugu wareejiyay awoodda, ugu dambaynna wuu is casilay.

Xataa markii uu xilka ka dagay sawirrada Saalax wali caan ayay ka ahaayeen wadooyinka YemenXataa markii uu xilka ka dagay sawirrada Saalax wali caan ayay ka ahaayeen wadooyinka Yemen

Wixii 2014kii ka dambeey Saalax iyo ciidammadii daacadda u ahaa waxay taageereen jabhadaha Xuutiyiinta ah kuwaas oo qabsaday magaalada Sanca madaxweyne Hadi-na ku qasbay in uu Sacuudiga u firxado.

Xulafadan isu haboonida darnaa ayaa dagaaal la galay Sucuudiga iyo xulafadiisa oo qorshahoodu ahaa in ay dib u soo celiyaan madaxweyne Hadi, balse dagaalkaas ayaa burbur baax leh u gaystay Yemen sannadkii 2015kii.

Si kastaba ha ahaatee Saalax waxaa dilay xulafadii hore ka dib dagaal maalmo socday oo dhex maray Xuutiyiinta iyo ciidammadii daacadda u ahaa.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com