Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo guryahooda ku booqday Qaar kamid ah Isimada Puntland

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka soomalia Maxamad C/llahi Farmaajo ayaa galabta hoygooda ku booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo kamid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

”Waxaan ku ammaanayaa kaalinta ay isimadan ka geeysteen nabadeynta iyo wada noolaashaha shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Puntland.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in dowladdiisa ay diyaar u tahay soo nooleynta kaalintii odayaasha dhaqanka ee dowaldnimada iyo midnimada ummadda soomaaliyeed.

“Dowladdu waxa ay diyaar u tahay in ay dib usoo nooleyso kaalinta odayaasha dhaqanka ay ku leeyihiin dowlad dhisidda iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed!.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com