Daawo: Fadlan Soo Caawi Walaalkaa dhiban oo Muddo 5 Sano ah sariirta saarnaay

Caafimaadka waa nimcada ugu weyn ee alle cazaa wajallah nagu galadeystay ilaahey ayaana uga mahad naqeynaa Walaalkeen aad muuqaalkiisa daawan doontaa waxaa uu muddo 5 sano ka badan ku xanuunsanaya magaalada muqdisho, Xabad ayaa surka kaga dhacday taasi oo sababta in dareemaha jirka oo dhan uu joogsado tii oo ay jirto qoyska walaalkeen waa dad iska danyar ah oo aan awoodin in caafimaad dibadda ah u helaan Walaalaha kheyriga ah ee al ixsaan ayaa u istaagay kaalmeynta walaalkeen waxaana ay ummadda muslimiinta soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan ka codsanaya in lasoo caawiyo walaalkeen dhibaateysan ee garab adduun idinka doonaya.

Fadlan wixii aad awooddo kusoo caawi walaalkaa Maanta wixii aad baxsato ayaad beri heli doontaa insha allah.

Haddii muuqaalkaan aad daawato oo alle gacantaada wax kuu galiyay fadlan walaalkaa haka hagran oo soo caawi alle ajar iyo xasanaad hakaa siiyee .

 

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka

 

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com