Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Qardho

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo socdaal dhulka ah saakay uga ambabaxay magaalada garoowe ayaa hadda waxa uu gaaray magaalada qardho ee gobolka karkaar.

Boqolaal dadweynaha ah ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay calamo qoyan iyo marxabeyn aad u balaaran.

Madaxweynaha socdaalkiisa inta uu ku guda jiray waxa uu ku hakaday dhowr Tuullo oo shacabka uu kula hadla

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la qaadan doona Masuuliyiinta,Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho ,isagoo kala hadli doona Arrimo badan oo ku saabsan horumarka Bulshada iyo sidii wadajir loogu wada shaqeyn lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in deegaano kale oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug uu booqdo maalmaha soo socda waana booqashadii ugu horeysay Madaxweynaha Soomaaliya uu tago deegaanadaasi tan iyo markii la doortay.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com