XOG: Boqorka Beelaha Daarood oo Waan waan ka dhex bilaabay Farmaajo iyo Cumar C/rashiid

Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf ayaa waan waan ka dhex bilaabay Madaxweyne Farmaajo iyo Senator cumar c/rashiid oo ah kaadir weyn oo mucaarad ku ah dowladda Farmaajo.

Boqor burhaan ayaa soo fara galiyay xiisadda u dhaxeysa mucaaradka iyo dowladda madaxweyne farmaajo waxaana wararku ay sheegayan in ay dhaceen kulamo xasaasi ah oo dhanka taleefoonka ah ay dhexmareen boqor burhaan iyo xildhibaanada federaalka ee laga soo doortay deegaanada Puntland.

Boqor burhaan ayaa sidoo kale qadka taleefoonka kula hadlay Ra’isul wasaarihii hore ee soomalia Senator cumar c/rashiid cali sharma’arke oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka isu taga inmaaraadka carabta waxaana uu boqorka ka codsaday senatorka in uu joojiyo mucaaradnimada dowladda ,

Wada hadallo qaatay muddo laba maalin ah oo dhexmaray boqorla iyo senator cumar c/rashdiid ayaa ugu dambeyn waxaa la isla gartay qodobadii laga wada hadlay iyadoona boqor burhaan uu senator cumar c/rashdiid ka codsaday in uu joojiyo siyaasadda mucaaradka ah ee ku wajahan Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale boqor burhan ayaa cumar c/rashiid ka dalbaday in uu ka soo guuro Wadabka isutaga imaaraadka carabta uuna joojiyo dhamaan wixii cilaaqaad ah oo lau tuhmaayo in uu la leeyahay Imaaraadka Carabta oo la wada ogyahay qalalaasaha siyaasaddeed oo ay ka wado soomalia.

Haddaba si loo sii amba qaado kulamada looga tashanaayo xaaladda siyaasaddeed ee dalka uu maraayo iyo isku keenista xubnaha mucaaraadka iyo dowladda waxaa la qorsheeyay in Magaalada Muqdisho lagu qabto kulan weyn oo ay u dhan yihiin dhammaan waxgaradka,culimada iyo siyaasiyiinta soomaliyeed.

Culimaa’udiin taageersan dowladda oo ku sugan muqdisho ayna kamid yihiin xubnaha hey’;adda culimada soomaaliyeed ayaa boqor burhaan ka codsaday in uu muqdisho yimaado kana qeyb gallo kulanka balaaran ee looga arinsanaayo marxaladda dalka uu hadda maraayo waxaana la sheegay in boqor burhaan aqbalay codsiga culimada .

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com