Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo lagu soo dhaweeyay Deegaannada Waaciye iyo Carmo ee Gobolka Bari

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u safra magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolak Bari,isagoo ka amba baxay magaalada Qardho o oay xalay  ku hoyden.

Safarka madaxweynaha oo ah mid dhanka lugta ah waxaa ku weliya madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas,wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan golayaasha kala Duywan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Madaxweyne maxamad c/llahi Farmaajo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanka waaciye ee gobolka bari isagoona uga sii gudbay deegaanka carmo.

Dadweyne aad u badan oo wata caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda federaalka ayaa madaxweynaha waxa ay uga hortageen magaalada banaankeeda iyagoona si diiran oo kal iyo laab ah usoo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa la kulmay qeybaha kaladuwan ee bulshada iyo waxgaradka deegaankaasi,isago uga mahadceliyay sida wanaasgan oo ay u soo dhaweeyeen.

Wafdiga madaxweynaha ayaa hadda kusii wajahan Magaalada Boosaaso Ee xarunta gobolka bari halkaasi oo uu oa socdo diyaar garoow xooggan oo soo dhaweynta madaxweynaha ah.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com