Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Somalia oo Caabudwaaq ku wajahan

Magaalada Cabudwaaq ee bartamaha Somalia waxaa ku wajahan wafdi balaran oo isugu jira Xildhibaanno Fadaral ah , Xildhibaanno heer Galmudug ah iyo la taliyaha Madaxweynaha Ali Dahir Eid.

Wafdigaan ayaa hordhac iyo gogol xaar u noqon doona booqasho rasmi ah oo u madaxweynaha Somalia mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo ku tagi doono Magaalada Caabudwaaq 16-ka bishaan Janaayo.

Wafdigaan hordhac ah ayaa waxaa ka mid ah Fanaaniintii qaran ee Hobolada waabari kuwaas oo kala ah Faduma Nakruuma iyo Shimaali Axmed Shimaali.

Sida u no xaqiijiyay La taliyaha Madaxweynaha Ali Dahir Eid oo asagu ah xubinta Madaxtoyada Qaranka u qabilsan Boqashada Cabudwaaq waxaana guud ahaan Magaalada Cabudwaaq ay si weyn ugu diyaar garowday so dhaweynta Madaxweynaha Somalia mudane Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo,

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com