Author Archives: admin

DEG DEG: Laba gaari oo Qaraxyo xambaarsan ayaa ku jira Magaalada Muqdisho sida ay Dowladdu shaacisay.

Dowladda Soomalia ayaa Digniin Culus ka soo saartay Baabuur qaraxyo lagu rakibay oo lasoo galiyay Magaalada Muqdisho. Wasiirka Amniga Gudaha Soomalia Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa golaha Wasiirada ka hor cadeeyay in ay jirto qatar Amni oo Magaalada Muqdisho kusoo wajahan taa oo la xiriirta Laba gaari oo qaraxyo lagu soo rakibay kuwaasi oo hadda muqdisho ku jira. Labada gaari ...

Read More »

Guddoomiyaha Gobolka Eng Yariisow oo kulan wadatashi ah la qaatay Culumada “Sawirro”

Muqdisho, 22 Feb, 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan wadatashi ah la qaatay culumada ayaa ugu baaqay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo hirgelnta caddaaladda. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay asaas u yihiin di- u-hagaajinta hannaanka caddaaladda iyo garsoorka, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta ...

Read More »

Wafdi uu horkacaayo Ra’isul wasaare ku xigeenka Dalka Turkiga oo Hadda Muqdisho soo gaaray

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Cawuşoglu ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho,waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan oo uu horkacayo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Garoonka diyaaradaha Adan cade ku soo dhoweeyay Ra’iisal wasaare kuxigeenka dalka Turkiga iyo Wafdiga uu ...

Read More »

Muuqaal: Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran Xabsiyada Liibiya oo Aqbalay in Dalkooda lagu soo celiyo

Danjiraha Soomalia u fadhiya Midowga yurub Danjire Ali saciid Fiqi ayaa weli waxa uu ku suganyahay wadanka liibiya isagoona u kuur galaya xaaladda dhalinyarada soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada wadanka loobiya. Danjire Ali Fiqi oo Fariin ka sida Madaxweyne Farmaajo ayaa mid mid u booqanaya xabsiyada dalka liibiya isagoona dhalinyarada usoo bandhigaya in dalkooda lagu celiyo oo ay dalkooda xornimo ...

Read More »

Daawo Sawirro: Ra’iisul Wasaare Khayre oo Boggaadiyay Xuska Sannad guuradii 48-aad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Muqdishu 22, Feb 2018, —– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay xuska sannad guuradii 48-aad ee ka soo wareegtay maalintii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Kayre ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliya, salaan sharafeed ka ...

Read More »

Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka oo Tababar loogu soo xiray Magaalada Muqdisho.(Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar ugu soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya. Tababarkaan oo mudo 90-cisho ah socday ayaa Ciidanka ka faa’ideystay oo gaarayay 130-askari,waxaana inta uu socday lagu barayay tababar la xiriira howlaha Waajibaadkooda ciidanimo iyo siday uga ...

Read More »

Guddoomiye Yarisow “Haweenka la’aantood dawladda ma shaqeyn karto waayo waa laf-dhabarka bulshada”

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay ururada Haweenka Gobolka, isagoo ku bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin hor-u-socodka Caasimadda. Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyey in wada shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa Haweenka Soomaaliyeed iyo maamulka ay furo u tahay soo celinta amniga Caasimadda iyo guud ahaan gobolka Benaadir. “Haweenka la’aantood, ...

Read More »

Daawo Sawirro: Taliyaha Cusub ee Hey’adda NISA oo Maanta Xilka Si Rasmi ah ula Wareegay

Munaasibad ballaaran oo si heersare ah loo soo qabanqaabiyay oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayuu si buuxda xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran Xuseen Cusmaan Xuseen oo 19 bishaan loo magacaabay Hay’adda NISA. Xilwareejinta  oo ka dhacday Xarunta Hey’adda NISA waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ...

Read More »

Guddoomiye Eng Yarisow oo la dar-daarmay guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir. (Sawirro)

Muqdisho, 21 Feb, 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusman (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in hufnaanta hannaanka maamulka iyo maaliyadda ay asaas u tahay shaqada maamulka Gobolka, sidaas daraadeedna kor loo qaadi doono isla xisaabtanka heer gobol iyo heer degmo. Eng. Yarisow oo guddoominayey kulanka todobaadlaha ah ee guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Maamulka Gobolka ayaa xaqiijiyey in ujeedku ...

Read More »
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com