Wararka

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan hakisay lacagihii ay siin jirtay bil walba Maamul goboleedyada ka jira dalka.

  Qoondada lacag bileedka la siiyo Maamul goboleedyada ayaa gaareysay $150,000 (Boqol iyo konton kun oo dollar), waxaana lacagtan ay toos ugu dhaceysay jeebka Madaxda maamul goboleedyada. Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan ku soo rogtay in Maamul goboleedyada inay keenaan xisaab xirka lacagihii horay loo siiyay, kaddib markii ay su’aal badan ka timid qaabka lacagahaas lagu maareeyay. Sidoo kale ...

Read More »

ciidamada xooga dalka ayaa hoolgal amni ka fuliyay buurhakaba

Maamulka Degmada Buur-hakaba ee Gobalka Baay ayaa faahfaahin ka bixiyay howgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay  deegaano hoos yimaada Degmada. Guddoomiyaha Degmada Buur-hakaba Maxamed Nuur Ibraahim oo gordhow la hadley Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid looga hortagayay dhagaraha ay maleegayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana lagu xoojinayo Nabadgelyada Degmada. “Howlgalka waxaa laga fuliyay meel degmada u ...

Read More »

wadanka sudaan oo laga qaday cunuqabateeyn dhaaqale 20 sano kadib

Dowlada Mareykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay  in ay ka qaadayso cunoqabatayn dhaqaale oo ay ku soo rogtay dalka Sudan sanadkii 1997dii. Ka qaadista cunoqabataynta ayay dowlada Mareykanka ku tilmaantay inay ka dhalatay kadib markii ay dowlada Sudan qaaday tallaabooyin ay wax uga qabanayso dhibaatooyinka iyo colaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalkeeda ayna kala shaqeysay dowlada Maraykanka ...

Read More »

shir loogu talagay ka hortaga xagjirnimada kana soo qeeyb galeen beesha caalamka oo muqdisho kadhacay

Magaalada Muqdisho waxa lagu qabtay shirka ka hortaga rabshadaha ku salaysan xagjirnimada, kaasoo qayb ka ahaa shirkii arimaha amniga Soomaaliya ee bartamihii sanadkan lagu qabtay magaalada tan London. Shirka waxa si wadajira u gudoominayay ra’isul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, iyo danjiraha Sweden. Shirka waxa kaloo joogay wasiiro heer federaal ...

Read More »

Abaarlmarinta Nabada oo sanadkan ay ku guuleysteen koox u ololeysa ciribtirka hubka Niyukliyerka

Abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka ayaa la guddoonsiiyay sanadkan koox u ololeysa in la cirib tiro hubka nuyuukleerka oo lagu magacaabo Ican. Guddoomiyaha Guddiga Abaalmarinta Nobel haweenayda lagu magacaabo Berit Reiss-Andersen ayaa sheegtay in kooxdan ay abaalmarinta ku muteysteen dadaalkooda ay ku doonayaan in lagu hirgaliyo heshiisyo iyo sharciyo adduunka oo dhan looga tirtirayo hubka Nuyuurleerka. “Waxaan ku noolnahay duni halista ...

Read More »

Boqorka sacuudiga boqor salmaan ayaa booqashadii ugu horeesay booqday dalka ruusha maxay tahay booqashada boqorka sacuudiga

  Wararka qaar waxay sheegayaan in ay wada saxiixan doonaan heshiis dhanka hubka oo ku kacaya dhaqaale gaaraya $3 bilyan oo dollar. Sidoo kale, heshiis dhanka tamarta ah oo lagu maal gelinayo $1 bilyan oo dollar ayey wada saxiixan doonaan madaxda labada dal. Boqorka ayaa sheegay in labada dal ee soo saara shidaalka ugu badan caalamka ay sii wadi doonaan ...

Read More »

Fowziyo Yuusuf “Dowlad goboleedyada gef iyo qalad ayay ku tahay inay ka garab hadlaan Dowladda Dhexe”

Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore iyo Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay go’aanada maamul goboleedyada dalka ka jira ay ku garab marayaan go’aankii dowladda Federaalka ka qaadatay xiisada Khaliijka. Fowziyo Yuusuf oo la hadlaeysay Idaacada VOA ayaa sheegtay in dowladda Dhexe ay leedahay mas’uuliyadda arrimaha dibadda, isla markaana qodobka 54aad ee dastuurka ...

Read More »

Shirkii Baarlamaanada IGAD oo Suudaan ku soo geba geboobey

Magaalada Khartuum ee xarunta Dalka Suudaan lagu soo gebagebeeyey shir socday muddo sedax maalmood ah,kaasi oo ay isugu imaadeen Guddoonada Baarlamaanadda ku mideesan Urur Goboleedka IGAD iyadoo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane  Mahad Cabdalla Cawad shirkaasi ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay bixineyso dhamaan kaalmooyinka looga baahdo . Shirkan socday mudo sadax maalmood ah ayaa ...

Read More »

Madaxweyne Trump oo khudbadiisa ugu horeysay ka jeedinaya shirka Golaha Guud ee QM

Donald Trump  Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka jeediyo khudbadiisii ugu horreysay shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Mas’uuliyiin katirsan Aqalka Cad ayaa wariyaasha u sheegay in madaxweyne Trump uu si xoog leh u cambaareyn doona dalalka Kuuriyada Waqooti, Iran iyo Venezuela. Trump wuxuu ka dalban doonaa xubnaha Qaramada Midoobay in ay ka horgataan gantaalada ...

Read More »

Raysal wasaare Kheyre oo maanta ku wajahan magaalada New York (Qorshaha safarka

Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maanta uu u ambabaxo magaalada New York ee dalka Mareykanka. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa safarkiisa ku wehlin doona Xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Somalia. Kheyre iyo wafdigiisa ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeybgali doona shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo madaxda ...

Read More »

Sawirka Maanta

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com